asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

adoo harsan waayey ma laguu soo hoyday

tvDalka soomaaliya waxaa ka jira arimo badan oo dhibaato ku haya dalka iyo dadka soomaaliyeed, arimahaas ayaa u baahan in lagu baraarujiyo bulshada soomaaliyeed, dhibaatooyinka ka jira soomaaliya waxaa ka mid ah arimaha  saxaafada , dalka soomaaliya waxaa ka jira warbaahin ka shaqaysa lugooyada  isku dirka iyo iska horkeenka shacabka soomaaliyeed,  warbaahintaasu waxaa ay cudur ku noqatay  shacabka soomaaliyeed, warbaahintaasu waxaa ay masuul ka yihiin qalalaasaha iyo iska hor imaadka kadhaca bulshada soomaaliyeed dhexdeeda,warbaahinta shacabka soomaaliyeed mudada dheer lugaayada ku soo hayn jirtay waxaa ay ahayd idaacada bbcda, burburkii kadibna waxaa dalka soomaaliya ka samaysmay  warbaahin kala duwan oo kala taageersan qabiilo iyo ururo, laakiin waa la yaqaanay cida iska leh iyo ujeedooda,  hada dalka soomaaliya waxaa ka samaysay warbaahin aan la aqoon cid iska leh iyo meesha laga leeyahay ,waa telefishino uu ka dheh hadlayo shaqsi qariyey magaciisa iyo wajigiisa iyo halka uu ku sugan yahay, waxaana uu sheegayaa been aan sal iyo raad lahayn ,talafishinada noocaas ah ayaa ku soo badanaya saxaafada soomaalida, hadaba taleefishinada noocaas ah  waxaa ay u adeegaan shaqsiyaad danbiilayaal ah oo ka cabsi caqaba in maxkamad la soo taago, hadaba kuwa furtay talaafishinada wajiga laqarsanayo ayaa ah kuwo ay yar tahay aqoontooda saxaafadeed iyo adeegsiga internetka, waxaa xaqiiqo ah  inaan garanayno cida furatay talefishinayaas iyo halka ay ku nool yihiin iyo magacyadooda iyo qabiiladooda iyo taleefanadooda, hadii ladoonana waxaa loogu tagi karo halkooda,  umada soomaaliyeed waxan uga digaynaa inay dawadaan ama dhagaystaan tefishinada laqarsado wajiga, waxaa xaqiiqo ah in qof ku dhiiran waayey inuu sheego magaciisa ama wajigiisa inuu yahay shaqsi daalin ah oo hadana been loow ah, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaa ay qaatir ka taagnay idaacado iyo taleefishino laqayaaqo cida iska leh, laakiin hada waxaa ku soo biiray kuwo khatar ah oo ku caan baxay been iyo balaayo abuur iyo nabyo, waa inay umadu ka digtoonadaan warbaahinta noocaas oo kale.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :