asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

bbc oo u taagan qaribida bulshada soomaaliyeed

laanta afka soomaaliga ee bbcLanata afka soomaaliga ee bbc ayaa ah laan ka shaqaysa sidii ay u qaribi lahayd maskaxda iyo mustaqbalka umada soomaaliyeed, idaacada bbc ayaa mudo dheer  bbc soo waday dagaal ay ku haysay dhaqanka iyo diinta ay umada soomaaliyeed, warar kasta oo  baxa bbcdu waxaa uu u taagan yahay war aan marnaba farxad galinayn umada soomaaliyeed, bbcdu waxaa ay si toos ah uga qayb qaadataa hurinta iyo iska horkeenka shacabka soomaaliyeed, bbcdu waxaa marwalba ka soo horjeeda dawlad kasta oo ka jirta soomaaliya, bbcda waxaa ay waraysdataa oo ay buunbuunisaa wararka dawladdiidayada iyo wararka cadawga soomaaliyeed, bbcdu waxaa ay ceeb u raadisaa dadka soomaaliyeedee jecel dalkooda iyo dadkoodaa, sida cid waliba la socoto laanata afka soomaaligu waxaa ay qaybtii ugu waynayd ka qaadatay dagaaladii sokeeye rr ahliga ahaa ee ka dhacay dalka soomaaliya, bbcdu waxaa ay iska horgaysay qabaailo badan oo soomaali ah, bbc waxaa ay sabab u ahayd geerida malaayiin soomaali ah,bbc waxaa ay ka qayb qaadatay u deegida shisheeysha ku soo duulay dalka soomaaliya, bbc waxaa ay dalka iyo dadka soomaaliyeed ku abuurtay qas iyo qalalaase aad u wayn, bbcdu waxa ay dhalinyardii soomaaliyeed ka niyad jabisay dalkoodii hooyo, markii danbana bbc waxaa ay gulaysatay inay dhalinyaradii soomaaliyeed ku abuurto daawashada iyo kala taageerida  kooxaha kubada ee ingiriiska iyo isticmaalka facebook.

 Sanadahaan danbana bbc waxaa ay u soo jeesatay gabdhihii soomaaliyeed, bbc waxaa u xayteen sidii ay daaqada uga saari lahaayeen haweenka soomaaliyeed, bbc waxaa ay soo saareen in ka badan 1000 barnaamij oo ay ku weerarayaan hablaha soomaaliyeed, bbc waxaa ay go,aan ku gaareen in hablaha soomaaliyeed ay ka lumiyaan dhaqanka iyo diinta, markii danbana waxaa ay baanaanka keeneen barnaamijo lagu soo bandhigayo cawlada dumarka,webkooda waxaa ay soo galiyeen application gabdhaha dharka looga dhigo, dhibaatada ay bbc la maagtay ubadaka soomaaliyeed ma jiraanwax garad soomaaliyeed oo ka hadlay, culumada soomaaliyeed iyo siyaasiyiintu waa ka gaabsadeen, hadaba maxaa la gudboon umada soomaaliyeed? sida cid waliba la socoto wadanka xabashida ee dariska la ah soomaaliya bbcda laga dhagaysto waa war ay dawlada xabashi raali ku tahay oo kaliya, maxaa dawlada soomaliya u diiday inay talaabo ka qaado laanta cadowga ah ee bbc oo weerarka ku soo qaaday dhalaanka umada soomaaliyeed , laanta afka soomaaliga ee bbc waxaa iska leh dawlad ingriiska oo horay umada soomaaliyeed u kala qaybisay, ingiriisku waxaana uu idaacada bbc u samaystay inuu wax uga badalo maskaxda iyo maanka umada soomaaliyeed, ingriisku waxaa uu idaacda bbcda u helay   shaqaale soomaali ah oo aad u liita,oo waliba is leeyahay taariikhda umada soomaaliyeed laguma arkin kuwaas oo kale, dawlada soomaaliya waxaan kula talinlaa inay dalka soomaliya ka mamnuucdo dhagaysiga laanta afka soomaaliga ee bbcda, shacabka soomaaliyeed waxaan kula talinlahaa inay ka fogaadaan dhagaysiga bbcda, ubadka soomaaliyeedna waa in lagala dagaalamaa barnaamijyada ay xayeysiiso bbcdu sida facebooga iyo ciyaaraha kubada cagta ee laga ciyaaro ingriiska, si ay ubadkiinu u noqdaan kuwo  wax u bartaan, ugu danbayn waxaa sidoo kale ka fiirsi u baahan laanata afka soomaaliga ee voa, laantaan oo aad uga liidata bbcda, shaqaalahooduna yihiin kuwo an wax oqoon ah u lahayn saxafada,voa aqoontooduna ma dhaafsana heeso.

by xaashi

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :