asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

ccshakuur miyuu ku wasa qoobay siyaasada ?

ccshakuurWaa kuma ccshakuur?  marka hore waxaan ka cudur daaranayaa in ccshakuur aanan magaciisa u soo qaadan inaan aflagaadeeyo,  cabdiraxmaan waa nin ay bulshada soomaaliyeed ay si wayn u taqaano, magaciisuna waxaa uu bulshada soomaaliyeed ugu qoran yahay ama ku suntan yahay nin dalka soomaaliya dhibaato wayn u gaystay, qof kasta oo maqla ccshakuur waxaa markiiba maskaxdiisa ku soo dhacaysa duulaanka gardarada ah ee kenya ku soo qaaday dhulbadeedka soomaaliya, dadkii kale ee soomaalida ahaa ee ka qayb qaatay heshiiyey badda waa fara badnaayeen, waana joogaan,waliba ma jirto cid hadal haysa, laakiin umada soomaaliyeed waxaa u suntan cc shakuur oo kaliya, 10kii sano ee u danbaysay saxaafada soomaalidu waxaa ay hadal haysay oo ay soo bandhigayeen ccshakuur oo ku eedaysan inuu gacan galiyey baddii soomaaliya, waxaan og soonahay inay jiraan dad ka danbi badan ccshakuur oo qaybta u wayn ka qaatay heshiiskii badda walina aan ka tana sulin danbigaas oo walina lugta kula jira hadana ma jiraan cid soo hadal haysa, hadaba waxaan is waydiiynaynaa muxuu yahay tiimbaraha goonida ah ee ku dhagan cc shakuur, hadii aan dhan walba ka rogrogay fashilka haysta ccshakuur waxaa ay ila noqotay in cabdiraxmaan uusan nasiib u lahayn inuu siyaasad ka shaqeeyo, ccshakuur wixii ka danbeeyey dawladii sh shariif ma jirin cid wax xil ah dhiibatay,  dawlad iyo hayad midna,walina waxaa loo haystaa eedo aad u fara badan, ccshakuu doorashadii madaxwaynanimada ee uu istaagay2017kii   waxaa uu ka helay 2 cod, taasoo niyad jab wayn kala kulmay, dawlada hada jirtana wax jago ah kama helin, raji badana kama qabo dawlada tan badali doonta, cc shakuur waxaa uu u weecday xaga mucaaradka, waxaana uu gacansaar ka raadiyey emarete iyo kenya, taasina waxaa ay keentay inuu baasiin kusii shubtay nacaybkii ay umada soomaliyeed u qabeen cc shakuur, sidaas darteed cc shakuur waxaa uu noqday ni ku haftay siyasadaha guracan ee ka jira soomaaliya, sida aan dareemayo ccshakuur waa ninka muuqda waxaana u muuday madaxtinimo, waxaa kale oo u muuqday awooda iyo tirada ay beeshiisu ku dhexleedahay beelaha soomaaliyeed, ccshakuur waxaa kale oo u muqday inaysan jirin siyaasiin beeshiisa ah lawlan kula jirta, hadana ma jiraan wax taageero ah oo uu ka haysto beeshiisa iyo soomaalida kale, dhanka kale cc shakuur ma haysto saxiibo wanaagsan oo kala tilya arimaha siyaasada, hadaba maadaama uu cc shkuur xaq u lee yahay inuu ka qayb galo arimaha siyaasada hadana mahayo jidkii loo mari alahaa, ccshakuur hada waxaa uu u muuqday nin ku margaday siyaasada, waxaana kula talin lahaa inuu dhawr arimood  yeelo, (1) inuu isaga baxo arimaha siyaasada,una jeesto arimihiisa khaaska ah ,taasna waa mida ugu wanaagsan, (2) ama waa inuu wax wayn ka badalo hab dhaqankiisa siyaasadeed, ccshakuu waa inuu gunta hoose ka soo dhisaa siyaasadiisa, waa inuu kenya cadaawad u muujiyaa si ay bulshada soomaaliyeed uga jeestaan, waa in uu bulshada soomaaliyeed ka hor cadeeyaa in heshiiskii badda soomaaliya lagula galay kenya inuu qalad ahaa, waa nuu qabyaalada isaga fogaadaa,  waa inuu bulshada soomaaliyeed tusaa sawir ka wanaagsan kii hore, waa inuu siyaasadihiisa ku bartilmamdeedsadaa dawladaha shiyeeye, waa inuu ceebihiisa ka qarsadaa bulshada soomaaliyeed, waa inuusan taageerin waxkasta oo wax u dhimaya dadka iyo dalka soomaaliyeed, waa in wixii uu u qabo dawlada ama bulshada soomaaliyeed si hoose u xaliyaa, wana inuu soo xajiyaa, waa inuu qalbigiisa daacadnimo ku jirtaa,sidaas hadii uu yeelo waxaan filayaa in ccshakuun siyaasadiisa ceelka ku dhacdan ka soobixi doonto, talada aan siiyey ccshkuun waa talo ku fiican inuu sameeyo qof kasta oo siyaasi noqonaya,  ugu danbayn hadii ccshakuur uu dhibsado qoraalkayga waan ka raali galinayaa. waase talo .sc

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :