asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

thuma walaahi inuusan dalku fawdo ku noqonayn,

dalka iyo dadkaHada ka hor waxaa jiray nin soomaali ah oo reer baadiye ahaa oo ka shaqyn jiray dulmiga iyo fidnada waxaana uu jeclaa inuu sameeyo wax kasta oo keeni kara dagaal iyo dhiig daata iyo isku dhaca dadka, ninkaas mar walbana hadal qabsigiisu waxaa uu ahaa balaayooy toos, ninkaasu waxaa jeclaa in marwalba ay dhacdo fidno iyo qalo dhaan , ninkaas nin la dhashay ayaa isku dayey inuu waaniyo oo u caqli celiyo si uu iskaga daayo fidna abuurka, laakiin waa ka diiday, maaliin maalmaha ka mid ah ayaa geel uu ahaa niinkaas fidnoolaha waxaa soo weeraray col hubaysan , geeliina waa dhaceen, waxaana ay dileen wiilkii geela la joogay oo ahaa curadkiisii fidnoolaha,ka dib ninkii fidnoolaha ahaa oo jooga gurigiisa ayaa qaylo dhaan loo keenay oo loo sheegay in geelaasii  ladhacy, curadkiisiina  la dilay, ninkii fidnoolaha ahaa waxaa uu yiri balaayooy toos, waxaana uu gurigiisa kala soo baxay qori u yaalay, waxaana uu raacdo u galay colkii geeliisa qaaday, mudo yar ka dib ayuu gaaray colkii geeliisa watay, nasiibdaro  ninkii waxaa toogtay rag geela raacdo reeb u ahaa oo geela ka danbeeyey, geeliina waa l tageen, ninkii fidna wadaha ahaa walaalkii ayaa soo raad raacay walaakiis si uu u gaado waxa uu ku sugan yahay walaalkiis, ninkii waxaa uu la kulmay walaakiis oo naf baxaya oo leh balaayooy dan, waxaa uu walaakiis ugu jawaabay horay ayaa lagaaga rabay, dabadeedna wa dhintay, halkaas  waxaad ka garanaysaa sida ay u xun tahay in laga shaqeeyo xumaanta iyo fidnana.

Soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (qofkii i arkaay yiraahda waxaa u danbaysa i qariyaay )dalka soomaaliya waxaa hada balaayooy toos ka yiri sheekh shariif sh axmad, sh shariif waxaa uu ku dhaartay inuu dawlada soomaaliya meesha ka saarayo, sh shariif waxaa uu umada soomaliyeed ka dhex noqday nin u taagan fawdo iyo xasarad joogto ah oo uu ku doonayo inuu wax ugu dhimo dalka iyo dadka soomaaliya, shariif waxaa uu kala garan waayey waxa uu gooni u lee yahay iyo waxa dadku la dhexeeya, dalka soomaaliya waxaa uu ka dhexeeya dhamaan umada soomaaliyeed, sh shariifna waxaa uu sheegtay inuu cidwalba ka cayriyey soomaaliya kawaana hada si degdeg ah uga cayrinayo, waa wax lala yaabo cida uu sh shariif isku halaynayo oo laburburinaysa dawlada soomaaliya, sida uu u muuqdo sh shariif waxaa uu iila eg yahay laba arimood midkood,inuu yahay nin ay tiisu soo dhamaatay oo 40ka jira iyo inuu yahay nin u adeegaya emarateka iyo ahuru oo ay shidaal ku shubteen, sh shariif sh axmad waxaa uu ka xishoon waayey malaayiinta ruux ee soomaalida ah ee ku midaysan dalka iyo dawladnimada soomaaliya, sh shariif waxaa uu horay ugu xadgudbay  khayraadkii iyo dhulbadeedkii soomaaliya, waxaana uu u gacan galiyey umada shisheeye, maanatayna waxaa ku dhaaranayaa inuu dawlad ay soomaaliya lee dahay meesha ka saarayo, waxaa lasoo gaaray waqtigii ay umada soomaaliyeed ka nasan lahayd dhaqan xumada iyo hadalxumada sh shariif, halkaan waxaan fartiin dheer uga dirayaa sh shariif aniga oo ku hadlaya afka shacabka soomaaliyeed waxaan lee yahay geedkii aad gaarto miro ka gooso,wixii aad hayso soodaa, waxaadna heli doontaa wixii aad ka maasho balaayada aad abaabulayso. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :