asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

beesha caalamka oo bah dilaysa soomaaliya

isomaliaBeesha caalamku ama international community waa nidaam ay ku midoobeen  dawlado isu tagay , waxaana ay u dhisteen  inay danahooda ku gaaraan, habka uu u shaqeeyo nadaamka international community ayaa ah mid u taagan inuu raali galinayo danaha dawladaha gumaystayaasha, international community waa nadaam cusub oo lagula dagaalamo dawladaha tabarta yar, dalalka ay beesha caalamku dhibaatada ku hayso waxaa ka mid ah dalka soomaaliya, beesha caalamka ayaa dalka soomaaliya u diiday inuu talaabo horumar qaado ,Beesha caalamka ayaa laba jibaartay burburinta dalka soomaaliya,beesha caalamku waxaa ay ka shaqeen wax kasta oo cuuryaamin kara dalka soomaaliya, beesha caalamku waxaa ay taageero la garab istaageen cid kasta oo oo cadaw ku ah hanaanka dawladnimo, waxaa ay soo dhaweeyeen dawladiidyada iyo argagixsada caalamiga ee dhiiga shacabka soomaaliyeed jaqaya, beesha caalmku maalinba waxaa ay dalka soomaaliya ku soo rogaan amaro halis ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed, beesha caalamka ayaa horay soomaliya ugu qasab inay qaataan nadaamka federalka, taasoo dhibaato ku ah dadka iyo dalka soomaaliyeed, qodobadii u danbeeyey ee ay beesha caalamku dul dhigtay soomaaliya ayaa ka koobnaa 11 qodob oo u muuqday mid ay ku doonayaan inay ku jilaafeeyaan dawlada soomaaliya, qodobadaas waxaa ka sii xun qodobo kale oo aad u foosha xun oo dayn cafinta soomaaliya lagula gorgortamayo, beesha caalamkuwaxaa ay soomaliya  ka dhigteen cunug laba bilood dhalan, dhaqaalaha ay beesha caalamku ku gumaysanayaan dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa uu ka yimaadaa khayraadkii dalka soomaaliya oo ay bililiqayteen, ilaa 2000 oo markab oo ay lee yihiin wadamada gumaystayaasha ayaa habeen iyo maalin baddaha soomaaliya ka gurta khayraadka ku jiray, shirkado iyo hayado caalami ah ayaa meel walba oo soomaaliya ka mid ah  ka guranaya dahabkii iyo macdantii soomaaliya,canshuurihii hawaada soomaaliya iyo canshuurihii lagaqaadi jiray maraakiibta dhaqalahaas uga soo xirooda waxaa ay beesha caalamku kula dagaalantay hurumarka soomaaliya,waxaana ay ku dulaystaan dalka soomaaliya, hadaba maxaa la gudboon dalka iyo dadka soomaaliyeed? umada soomaaliyeed yeysan marnaba ku riyoonin in mr james c, swan uu ka shaqaynayo wanaagiina, talaabo kasta oo uu qaado mr james c, swan waa mid sii dhaawacaysa boogihii soomaalida, waxaa umada soomaaliyeed la gurboon inaysan ku tashan wax layiraahdo beelcaalam, waa in ay umada soomaaliyeed isku tashataa, hal meelna uga soo jeesataa cid kasta oo cadaw ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed, umada soomaaliyeed waxaa cibra qaadasho ugu filan lugooyadii ay 30 sano beesha caalamku ku haysan dadka soomaaliya, ugu danbayn waa in dalka soomaaliya laga saaraa dhamaan waxkasta oo ay ku lug lee yihiin  beesha caalamku,waxaa hubaal ah in hadii laga saaro amisom ay alshabaab meesha ka bixidoonaan, maxaa yeelay shabaab waa nadaam ay sameeyeen beesha caalamka ,taasoo looga gol lahaa in lagu cuuryaamiyo dalka soomaaliya, laguna geeyo ciidamo shisheeye, ugu danbayn umada soomaaliyeed ha ogaadaan  sida ay beesha caalamumku garabka u hayso una taa geerayso xabashi iyo kenyati iyo sida ay u lugoynayaan dalka iyo dadka soomaaliyeed, by xaashi

 James C. Swan

waa buris loo samaysatay in lagu burburiyo dawladaha tabarta daran

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


the international community

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :