asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

02f5f8e5-0c64-44fe-bd48-26d8abaa6ba3

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

nin ayax cunay soomaali ma yahay mise?

uf ayaxMagaalada cadaado waxaa ka dhacay arin ugub ku dalka iyo dadka soomaaliyeed aan horay loogu arkin, waana arin argagax ku abuurtay  bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, dalka soomaaliya waa dal aad hodon ah ,waxaana laga helaa cunto fresh ah nooc walba,haday  noqon lahayd qudaar iyo hilib iyo caano, umada soomaaliyeed xoolaha  ay qashaan hilibka qaarkiis ma cunaan ee waa tuuraan, laakiin aduunyada kale neefka xoolaha ah meelna lagama tuuro, wadamada dariska la ah soomaaliya iyo wadamada carabtu waxaa ay cunaan wax yaalo badan oo uu qofka soomaaliga ahi ka yaqyaqsoodo, markii aan u soo noqoqno diinta islaamka waxaa jira waxyaabo ay diintu xaaraan ka dhigtay iyo waxyaalo ay xalaal ka dhigtay, ayaxu inuu xalaal yahay waa run oo axaadiith ayaa sheegtay, laakiin reer cadaado xagee ka marayaan xadiithkii nabi muxamad csw loo soo shiilay abeesada ka dibna uu nabigu gacanta ka laabta oo uu diiday inuu cuno, markii nabiga csw la waydiiyey waxa uu ku diiday hilibka abeesada iyo inay xaaraan tahay,nabigu csw waxaa uu sheegay inay xalaal tahay abeesadu laakiin uusan dhaqan u lahay inuu cuno hilib abeeso, macnaha nabigu csw qalbiga ayuu siin waayey, hadaba reer cadaado maxay uga yaqyaqsoon waayeen ayaxa? waxaan is waydiinaynaa baahida ku kaliftay reer cadaado inay cunaan ayax, ayagoo heli kara wax kale oo ay cunaan, waxa ka dhacay cadaado waa wax foolxun oo aan ku wanaagsanayn dhaqanka soomaalida, reer cadaado waxaa ay umada soomaaliyeed u saadiyeen gaajo kaliftay in ayaxa lacuno, dhanka kale kuwa ayaxa ku cunaya cadaado ma yihiin soomaali dhalad aha?, waxaa laga yaabaa in DNA  uu yahay umado aan soomaali ahayn, waxaan marnaba suurta gal ahayn in qof soomaali ah oo dhalad ah uu ku dhiirado inuu cuno ayax oo waliba uu ku faano, waxaa kale oo laga yaabaa dadka waxaan sameeyey inay yihiin dad meel habaar qaba,oo ay ku maqan tahay cuqubo badan oo ay gaysteen, ama inay waali aan la ogayn hayso, suaasha taagan ayaa ah nin ayax cunay mageeyaa gabar soomaaliyeed, jawaabtu waa maya, gabdhaha soomaaliyeed waxaa geeya nin soomaali ah , soomaalina ayax ma cunto, diintana si wanaagsan ayey soomaalidu u yaqanaan, anugu waxaan qabaa dadka cadaado ku cunay ayaxa in la tirakoobo, magacya doodana la kaydiyo , baaritaan dheerna lagu sameeyo halka ay farac ahaan ka soo jeedaan, halkaan waxaan ka cambaaraynaynaa dadka dhaqan xumada iyo  hunguri xumada iyo iimaan la,aantu isugu darsan tahay ee cadaado la dhextaagan ayaxa, dadkaas waxaan lee nahay umada soomaaliyeed ma lahan dhaqanka xabashi iyo kenyati iyo uganda, dhagahiina fura dhamaan baraka laawayaasha ku dhiiraday cunista ayaxa waxaa tihiin danbiilayaal waxaana la idin marindoonaa ciqabta aad mudan tihiin. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :