asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

02f5f8e5-0c64-44fe-bd48-26d8abaa6ba3

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

waa maxay qurux ? yaase u qurxoon aadanaha ?

quruxQuruxdu ma ahan sida khaldan ee ay soomaalida qaarkeed u fahan tahay, quruxdu dadka qaarkiis waxaa ay u yaqaanaan wax ay indhaha iyo maskaxdu ku doogsadaan, dadka qaarkiis quruxda waxaa ay u qaateen midabka cad ,quruxdu ma ahan dhiriri iyo gaabni iyo midab iyo qabiil iyo dhaqaale, iyo wax lamid ah,laakiin qurux waa qof walba sidii uu u arko iyo wixii raali galiya, aadanaha waxaa u quxoon qofka xishoodka iyo dhaqanka leh, qofka hadii laga waayo dabeecad wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan oo ay diini ku dheehan tahay quruxi waxaa ay u jirtaa  intuu cirka uu ujiro, runtii soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (qof wuxuu xil moodo qofbaa xarago mooda), macnaha maahmaahda ayaa ah (qof wixii la fiican qof ayey laxun yihiin), hadaba bulshada soomaaliyeed dhexdeeda waxaad  ku arkaysaa qof markii aad aragto aad ka naxayso sida uu u labisan yahay iyo sida uu u xiirtay ama u qaawan yahay oo hadana lagu amaanayo, waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo sariigta ka tahay oo u bareeray  inay fidneeyaan bulshada soomaaliyeed,qaarkood waxaa ay caadaysteen inay mediyaha ka caayaan cid walba, qaarkood madiyaha waxaa ay ku sooban dhigaan cawradooda iyo ceebahooda, qaarkood waxaa ay internetka ku soo bandhigaan isku dir iyo dulmi iyo been abuur, qaarkood waxaa ay internetka ku soo bandhigaan aflagaado culumada iyo diinta islaamka iyo madaxda soomaalida, qaarkood waxaa  ay soo bandhigaan daroogada noocyadeeda kala duwan,dadka noocaas ahi ma lahan qurux mana ahan dad wanaagsan , lab iyo dhadig midii ay noqdaan dadkaasu waa lumay mustaq balkoodii, qofkii xiriir lasameeyana waxaa kalumaya mustaqbalkiisa, si kastaba ha noqdee qofkii gurigiisa wasaqaysan yahay daaradiisu ma qurxoonaato, soomaalidu yeysan qurux ka raadinin meel aysan jirin, ugu danbayn qoraalkayga waxaa marqaati u ah in waxa aan sheegayo ay internetka dhexyaalaan, soomaali badana ayaana la dhacsan , waxaan kula dardaarmayaa  bulshada soomaaliya qof walba haka fakaro  mustaqbalkiisa danbe aduun iyo aakhiro . by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :