asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

wajeer ma xorowday mise waa la xaal mariyey ?

wagalla genocideMagaalada wajir waa magaalo soomaaliyeed oo ka mid ah magaalooyingka ku yaalaya gobolkaNFD ee ay gumaysato xukuumada sawaaxilka  ee laga xukumo nairobi, magaalada wajer waa magaalo ay degan yihiin shacab soomaaliyeed oo aad u badan , shacabka degan wajer waxaa ay mudo qarni ah dhibaatooyin fara badan hayey cadawga kenyatiga, gobolka NFD waxaa ka dhacay xasuuq wadareed loo gaystay shacabka ku dhaqan gobolkaas, dadkii soomaaliyeed ee ku noolaa gobolka NFD %60 waxaa xasuuqay maamulka cadawga ah ee sawaaxilka, xasuuqyada taariikhda galay ee ay sawaaxilku kula kaceen shacabka degan gobolka NFD waxaa ka mid ahaa xasuuqii wagalla ka dhacay 1984kii iyo 1981 mid garissa ka dhacay, xasuuqii wagalla ee dhacay 1984tii waxaa lagu dilay 5740 ruux oo isugu jira rag iyo dumar iyo caruur, dadkaas waxaa laayey ciidamo kenyati ah oo ay hogaaminayeen saraakiil amar ka haystay madaxwaynihii sawaaxilka xilgaan kalenjin daniel arap moi, dadka maalintaan lagu xasuuqay duleedka wajer deegaanka wagalla waxaa ay ahaa yeen hal beel ah oo ka mid ah beelaha dega NFD, waana beesha degoodi, dhibaatadii iyo tacadigii lagula kacay beeshaas waxaa ay ahayd mid lagula kacay dhamaan umada soomaaliyeed oo dhan waana mid wali tagaan oo ayasan wali ka bogsoon umada soomaaliyeed, sidoo kale gaarissa 1981dii waxaa ka dhacay xasuuq wadareed lamagac baxay gaarissa gubaay, waxaa  lagu laayey dad aad u badan oo shacab ahaa oo aan waxba galabsan,  waxaa madaafiic lala dhacay gaarisssa iyo dadkii ku jiray ,xasuuqaas waxaa hogaaminayey nin layiraahdo gg kariuki waxaana uu ka amarka xasuuqaya ka watay kalenjin arap moi, tan iyo intii uu gumaysigii cadaa ee ingiriisku gobolka NFD u gacan galiye sawaaxilka gobolkaas waxaa ka socda dil iyo kufsi joogto ah iyo waxyaalo ka baxsan xuquuqda aadanaha oo ay gaysanayaan ciidaamda sawaaxilku, hadaba baryahaan waxaa magaalada wajer ka muuqanayey isu soo bax balaaran oo ay hogaaminayaan wax garadka beesha dagoodi, waxaan kale oo aan  aragnay wabarka beesha dagoodi wabar cabdile wabar cabdi oo nairobi kula shiraya hogaamiyaha sawaaxilka ahuru kenyata, shirarka beesha dagaoodi ee wajer iyo narobi waxaa iiga dhex muuqay inuu ahaa shir siyaasadeed oo ay soo maleegeen sawaaxilku, hadaba waxaa iswaydiin mudan waxa ay ku wada hadleen sawaaxilku iyo waxgaraka degoodi, miyey sawaaxilku magdhow ka bixiyeen kumaankumki soomaaliyeed ee ay ku xasuuqeen wagalla? mise logooyo kale ayuu sawaaxilku la maagan yahay beeshaas, sawaaxilka ayaa beelaha soomaaliyeed ee degan gobolkaas NFD qabiil qabiil isgu dira hada u laayaa, qaybi oo xukun waa dhaqamo uu sawaaxilku kasoo minguuriyey gumaysigii cadaa gumaysan jiray kenya, hadaba umada soomaaliyeed waxba kama fahmin shirarka u dhexeeya waxgaradka degoodi iyo ahuru kenyata, si kastaba ha noqtee maamulka ahuru ayaa u talaabay dalkii xorta ahaa eesoomaaliya, waxaana uu weerar  ku qaaday dhulkii iyo baddi soomaaliya, waxaana diyaarado iyo duqaymo ku laayey shacabaad u badan oo soomaali ah, kumaankum ruux oo soomaali ahiyo hantidoodii ayey ciidamad sawaaxilku ku laayeen gudaha soomaaliya, dhibaatooyin ay sawaaxilku ku hayaan shacabka soomaaliyeed meel walba ooy jooogaan ayaa ah mid u baahan  iska dhicin, ugu danbayn u malayn maayo cidkasta oo soomaali ah oo sawaaxilka ka raadisa nabadgalyo iyo nolol inay ka helaayo, sawaaxilku waxaa kaliya ee nabad looga helaa ayaa ah in la iska dhiciyo, hadii kale waxaa kugu dhacaysa sida uu u dalaystay shacabka walaalaheen ah ee ku dhaqan  NFD ,qof kasta oo soomaali ah waxaan kula talinayaa inuu u xayto dagaal ka dhan ah sawaaxilka kenyatiga ahuru. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :