asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

waxka ogow taariikhdii imaam shaafici raximuhu allah

rraximuhu allaha imaam shaficiRaximuhu alaah imaam shaafici magaciisu waxaa weeye  Maxamed (Abuu Cabdullaahi) bin Idriis binil-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bini-Saa’ib bin Cubayd bin Cabdi-Yaziid bin Haashim binil-Muddalib bin Cabdi-Manaaf, raximuhu alah imaam shaafici waxaa uu ka soo jeedaa qabiilka qureesh, abtirkiina waxaa ay  cabdi munaaf isugu yimaadaan nabi muxamad csw, raximuhu alah imaam shaafici hooyasiis waxaa ay ka soo jeeda reer yaman,raximuhu alah imaam shaafici wuxuu ku dhashay magaalada qaza taariikhdu  hijriga markii ay ahayd 150, raximuhu alah imaam shaafici asagoo aad u yar ayaa aabihiis dhintay,  waxaana uu noqday ogoon, hooyada dhashay imaam shaafici oo ahayd qof aad u wanaagsan ayaa go,aan ku gaartay inay wiilkeeda makka keento, halkaas oo ay deganaayeen qureesh, raximuhu alah imaam shaafici waxaa uu ku barbaaray  magaalada barakaysan ee makka,raximu alah imaam shaafici asagoo 7 jir ah ayuu xafiday quraanka kariimka ah, imaamu shaafici waxaa uu juhdi badan galiyey sidii uu diinta islaamka ku baran lahaa, raximuhu alah imaam shaafici waxaa diinta islaamka ka bartay culumo badan oo ku noolaa magaalada makka, ka dib iimaanku waxaa uu cilmi u raadsaday culumo kale oo ku noolaa madiina iyo ciraaq iyo yamen iyo shaam,  culumadii uu imaam shaafici wax ka bartay waa badnaayeen waxaana ka mid ahaa raximuhu alah iimaamyadii waawaynaa imaam abuu xaniifa iyo iimaam maalik, raximuhu allahi  imaam shaafici waxaa uu ka mid ahaa culumadii waawaynayd ee diinta islaamka sare u qaaday, raximu alah imaam shaafici waxaa uu qoray kutub aad u badan oo laga barto diinta islaamka, raximuhu allah imaam shaafici waxaa uu ahaa caalim ilaahay ku quweeyey diinta islaamka, raximuhu allah imaam shaafici waa imaamka iska leh usuusha madaahibta shaaficiga, raximuhu allahi imaamu shaafi socdaalkiisii u danbeeyey waxaa uu ku tagay dalka masar, waxaana uu masar ku qoray kutub aad u badan oo fiqi ah, raximuhu allah imaam shaafici waxaa uu ku dhintay magaalada alfustat ee dalka masar raatiikhda hijriyadu markii ay ahay 204, waxaana uu ku xabaalan yahay isla magaaladaas, raximihu aalah taariikhda iimaamu shaafici caalim taariikhdiisa qoraal lagu soo koobi karo,iimaanku waxaa uu  islaamka ku dhex leeyahay  taariikh aad u wayn, mana jiro qof islaam ah oo aan aqoon raximuhu alah iimaamu shaafici, insha allah waxaan idiin soo gudbin doonaa culumo kale oo diinta islaamka taariikh ku leh. by xaashi

 

 

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :