asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news »

dadka iyo duunyada isku si ayaa lagu qarxiyaa dalka soomaaliya

kaluunsoo caariyeyDalka somaaliya waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo joogto ah oo lagu bartilmaameed sanayo shacabka soomaaliyeed, ,qarixii u danbeeye ee ex kontalon lagu xasuuqay allaha u naxariistee shacab badan oo soomaaliyeed oo aan cidna danbi ka galin, qaraxaas waxaa fuliyey arxanlaayalaal dhiiga iyo maskaxd ka jiran, falkaas foosha xun waxaa ka danbeeyey in xasuuq aad u badan loo gaystay kaluun aad u badan oo ku jiray badda soomaaliya, malaayiin kaluun ah ayaa ku soo caariyey  xeebta ku aadan xalane, kaluunkaan ayaa larumaysan yahay inuu u dhamaaday dhibaato loo gaystay, labada badood ee soomaaliya leedahay  waxaa hoganaya kumaamkum maraakiib ah oo ay lee yihiin umada shisheeye, maraakiibtaasu waxaa ay xeebaha soomaaliya ka wadaan kalumaysi sharci daro ah , waxaa kale oo ay maraakiibtaasu badda soomaaliya si joogto ah ugu guraan qashin sumaysan, waxaa  xeebaha soomaaliya daadsan haamo waawayn oo ay baddu soo caarisay oo ay ka buuxaan sunta nuclearka, tan iyo intii ay shisheeyahu baylahsadeen  baddaha soomaaliya waxaa umadasoomaaliyeed ku dhacay cuduro cusub oo daawadooda la aqoon waayey, waxaa taas dheer in maraakiibtii shihseeye ay kaluumasatii soomaaliyeed u diideen inay ka kaluumaystaan dalkoodii hooyo,kaluumasatadii soomaaliyeed waxaa laga dhigay kuwo la laayo, kuwo la xiro, iyo kuwo qalabkii kaluumaysiga laga burburiyey, dalka soomaliya waxaa uu noqday dal khayraadkiisii ay cid waliba soo bililiqaysanto, shacabkii soomaaliyeedna waxaa lagu dilay gaajo iyo cuduro iyo amaan daro, si kastaba ha noqtee ma ahan markii u horaysay ee uu soo caariyo kaluun badan oo baqtiyey, hadaba%100 kaluun soo caariyey waxaa uu sababsaday sunta faraha badan ee shisheeyuhu ku shubayo baddaha soomaaliya, waxaa sidoo kale dalka soomaaliya lagu xasuuqaa dhirta noocyadeeda kala duwan waxaana laxaalufiyey %80 dhulkii hawdka ahaa ee soomaaliya, ugu danbayn inay soomaaliya sidaas noqoto waxaa sababteeda iska leh umada soomaaliyeed oo u qaatay in shisheeye gacal u yahay.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :